Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in doorashadda Soomaaliya waqtigeeda lagu soo gaba-gabeeyo.
Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa loogu baaqay Madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda ahaa in doorashada Baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishan Febraayo.
“Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa hannaanka doorashada”ayaa lagu yiri qoraalka ee Safaaradda Mareykanka uu ku saxiinaa Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André.
Beesha Caalamka ayaa si weyn kaga walaacsan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan tan doorashooyinka xiligaan socda.
Heshiiskii ugu damabeeyay ee Madaxda Soomaalida ayaa ahaa in doorashadda Xildhibaanadda golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya lagu soo gaba-gabeeyo ka hor 25-ka bishaan February.

