Hay’adda IMF oo Soomaaliya Ka Jari Doonta Lacagaha La Siiyo

0

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ku hanjabtay in ay jari doonto lacagaha Soomaaliya la siiyo kuwaasi oo lagu taageero mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in Hay’adda ay qaadi doonto go’aan ku aadan in ay jarto lacagaha Soomaaliya la siiyo,hadii mar kale dib loo dhigo doorashadda Soomaaliya ka socota.

Waxa ay sheegtay in ilaa bisha May ay soo sugi doonaa xaaladda doorashadda Soomaaliya ka socota,islamarkaana hadii waqtigaas kadib doorashadda lagu soo gaba-gabeyn waayo ay jari doonaan lacagaha Soomaaliya lagu taageero.

Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka Reuters in barnaamijku si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub oo lagu soo gabagabeynayo dib u eegisteeda 17ka May.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khatarta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.

Dhanka kale wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku kalsoon yihiin in jadwalka doorashadda waxba iska badalin,islamarkaana beesha caalamka ay sii wado garab istaag soomaaliya.

IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017-dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowlada iyadoo miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad 400 oo milyan oo dollar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here