Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro xiriir ah oo Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho habeenkii arbacada ay soo galaysay.
Weeraradan oo lagu bartilmaameedsaday xarumo kala duwan oo ammaanka lagu sugayo iyo xaafado ay degan yihiin dad shacab ah, ayaa waxaa ku dhintay askar iyo dad rayid ah oo ay ku jiraan haween.
“Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab waxa uu muujinayaa in ay iska indha tireen naf iyo maalba, xilli Soomaaliya ay muujineyso sida ay uga go’an tahay dib u dhiska dalka. Midowga Afrika waxa wali ka go’an in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisanimada wax u dhimaya dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri Ag. Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan.
Habeenkii arbacadda ay soo galaysa taariikhdana ay ku beegneyd 16-kii Febraayo 2022, Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa (VBIED), ayaa lagu qarxiyay saldhigga Booliska Kaxda. Sidoo kale waxaa la weeraray labo deegaan oo kala ah Ceelasha-Biyaha iyo Ceel-Janaale.
Sidoo kale qarax gaari ayaa ka dhacay xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid.

