Faah-faahin:-Qarax Geystay Khasaare Kala Duwan oo Ka Dhacay Jowhar

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay magaaladda Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-shabeelle.

Qarax ayaa ka dhashay Miino haleeshay mooto bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraysay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha Booliska Jowhar Bashiir Xasan Xalfooy ayaa sheegay, in afarta qof ee dhimatay ay dhamaantood ahaayeen dad rayid ah oo ku socdaalayay tuulada Xaanshooley oo qiyaastii 7 km u jirta magaalada Jowhar.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qarax ka dhacay magaaladdda Jowhar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here