Muudey:-“Waxaa La ii Diiday in aan u Safro Magaaladda Baraawe”,!

0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahin Muudeey ayaa sheegay in loo diiday inuu u safro magaalada Baraawe si uu ugaga qeybgalo doorashada kursiga uu ku fadhiyay ee yaala magaalada Barawe.

“Maanta waxaa dhacday in diyaarad la’iga reebay, Aadan Cadde la igu celiyo, aniga iyo waardiyeyaashayda ayaa la iga celiyay in aan aaddo Baraawe, diyaaraddii waxaa lagu amray ninkaasi masoo qaadi kartid, waxaa la isku dayay in la yiraahdo afar qof oo odayaal ah oo isaga la socda hala soo qaado, balse waxaa la yiri isaga xitaa ma iman karo, markii aan weeydiiyay qolada diyaaradaha waxay yiraahdeen amar ayaa nala soo siiyay, maamulka Koonfur Galbeed ayaa amarka nasoo siiyay” ayuu yiri Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey.

“Qolada duulista hawada sare Baraawe waxa ay diyaaradda ku yiraahdeen haddii aad soo qaaddaan diyaaradda oo dhan ayaan rideynaa” ayuu yiri Cabdiweli Muudeey.

Gudoomiye Muudeey wuxuu sheegay in arrinka ku dhacay ay tahay mid gef ah, oo lagu xad gudbayo xuquuqdiisa asaasiga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here