Qoor-qoor oo Shaaciyay Liiska musharixiinta Kursiga u Dambeeya ee Aqalka Sare

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyay liiska musharixiinta u tartamaya kursiga u dambeeya doorashada golaha Aqalka Sare ee BFS ee deegaan doorashadiisa ay tahay Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in kursigaan ay ku tartami doonaan Wasiirka Maaliyada Galmudug Farxaan Cali Gaban iyo Naciimo Yuusuf Maxamed.

Yuusuf Geelle Ugaas oo hore ugu guuleystey kursigan dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa iskacasilay xilkaas waxana uu markale ku guuleystey xubinimada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here