Joe Biden oo Laga Dalbaday in Cunaqabateyn Hubka Ka Qaado Soomaaliya

0

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa warqad u qortay Maamulka madaxweyne Joe Biden, taasoo ku baaqaysa in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateyn la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012.

Xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddeshay,kadib markii xayiraad dhanka hubka ah la saaray.

sanadkii 2010-kii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka budhcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay’adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here