Shabaab oo Bilaabay Dilalka Ergada Soo Xulaysa Xildhibaanadda Baarlamaanka

0

Al-shabaab ayaa bilaabay beegsiga Ergada ka qeyb galaysa doorashadda Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

48-saac aynu soo dhaafnay shaabab ayaa dilay 3-kamid ahaa Ergadii doorashadda Xildhibaanadda golaha Shacabka kadib howlgalo ay ka fuliyeen Magaaladda Muqdisho iyo Magaaladda Beledweyne.

Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa dilay Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa Ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka ‘Hirshabelle’.

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay  Maxamuud Jaamac Cigaal oo kamid ahaa ergadii xildhibaannada soo xulay.

Marxuumkaan ayaa ka qeyb galay fadhiyadii xildhibaannada baarlamaanka lagusoo xulayay ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Galguduud.

Dhanka kale degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay Cali Ahmed Cumar (Fofdheere) oo kamid ahaa ergooyinkii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka ‘Hirshabelle’.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here