Doorashadda Lix Kursi oo Maanta Lagu Qabanayo Magaaladda Baraawe

0

Magaaladda Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maanta ka dhacaya doorashadda 6-kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta Magaaladda baraawe lagu qabanayo doorashadoooda ayaa kala ah Hop#173 oo uu afartii sano aynu soo dhaafnay ku fadhiyay Xildhibaan Xaaji Cali, waxaana ku tartami doona Cabdifitaax Cabdulle Caraaye iyo Cabduwahaab Cali Axmed.

Kursiga labaad  Hop #155 oo afartii sano aynu soo dhaafnay ku fadhisay Jawaahir Cadaawe waxaana ku tartami doona Maariya Maxamed Cabdiraxmaan.

Kursiga seddexaad ee hop#150 waxaa afartii sano aynu soo dhaafnay ku fadhiyay xasan cismaan xuseen (qoryooleey),waxaa ku tartami doona Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhure iyo Maxamed Cali Cabdiraxmaan.

Kursiga afaraad hop#160  oo uu afartii sano aynu soo dhaafnay uu ku fadhiyay Xildhibaan Nuur Siidow Baaba,ayaa hada waxaa ku tartami doona Maxamed Yuusuf Xuseen iyo Cali Abuukar Maxamed.

Kursiga shanaad ee HOP#250 oo uu afartii sano aynu soo dhaafnay ku fadhiyay Maxamed Saciid Cabdullaahi,waxaa haatan ku tartami doona Cabdalla Maxamed Shariif iyo Cali Maxamed Sheekh Maxamed.

Kursiga Hop#080 oo sanado badna ku  fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doona Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaam Jibriil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here