Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga oo looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka .
Kulanka caawa ayaa ku soo beegmay, saacado kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu soo saaray qarar xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiyaadka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dhanka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda oo ay ku jiraan xarig aan caddaalad ahayn, caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku-takri-falka iyo isdaba-marinta doorashada, inkastoo aanu Mareykanka shaacin shaqsiyaadkaas, balse ay ku jiraan rag xilal hore soo qabtay iyo kuwa hadda xil haya.

