Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso ee gobolka bari.
Qaraxaan ayaa ka dhacay meherad merfish lagu qayilo leh oo ku taalla bartamaha Magaaladda Boosaaso.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 3-ruux,halka 7-kale ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen Laamaha amaanka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa Ka dhacay Magaaladda Boosaaso.

