Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo lala beegsaday kolonyo ka Tirsan Ciidamadda Kenya oo qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM.
Qaraxyadda oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay Deeganka Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, oo kamid ah goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM.
Sida la xaqiijiyay qaraxyadda ayaa qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamadda Kenya, xili ay deegaanka Kambooni ugu socdeen Biyo dhaamin.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyada ku dhaawacmay Shan askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Kenya,waxaa sidoo kale jiro dhimasho.
Sidoo kale waxaa burbur xoogan ay soo gaareen qaar kamid ah gaadiidka dagaalka Ciidamadda Kenya ee qaraxyadda lala beegsaday.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyadda lala beegsaday Ciidamadda Kenya waxayna ku sheegeen warbaahintooda in qaraxyadda khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamadda AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya.
Inta badan ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM waxay la kulaan qaraxyo iyo weeraro jid gal ah,waxaana fuliya dagaalyahanadda Al-shabab oo dagaaal kula jiro.

