Hogaamiyaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Ganaraal Abuukar Xaaji Warsame (xuud) oo shir jaraaid ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay arinta magaaladda Beledweyne.
Waxa uu sheegay in Magaaladda beledweyne aan xoog iyo ciidan aan lagu qababsan Karin,wuxuuna ku baaqay in ciidamadda la geeyay halkaas laga soo celiyo.
Sidoo kale Hogaamiyaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Generaal Xuud ayaa sheegay in Madaxweynaha Hir-shabeelle uusan xoog ku qabsan Karin Magaaladda Beledweyne,islamarkaana haduu taas isku dayo uu dhibaato kala kulmi doono.
“Cali Guudlaawe Beledweyne hadii aad xoog ku tagi karto isku day ma xoog ayaa Madaxweyne noogu noqonee taas ka laa laaban meyno,Ciidanka Caawa Beledweyne lagu soo daadiyay halagu celiyo xerada lama galaay, hadii aad wadahadal diidaan waa idin tuseynaa”,ayuu yiri Generaal Xuud.
Ugu dambeyntii Ganaraal Abuukar Xaaji Warsame xuud waxa uu sheegay in Dowladda u wada-hadal kula jiro,islamarkaana uusan wali aqoonsaneen Maamulka Jowhar ku shaqeeya.

