Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi oo Heshiis Is-afgarad ah  Kala Saxiixday

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here