Ciidamadd Dowladda oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan Shabeelaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Shabeelaha hoose Ku dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaano hoostaga degmooyinka Awdheegle, iyo Qoryeeleey ee gobolka sheebalaha hoose.

Ciidanka xoogga Dalka ayaa intii uu howlgalka socday waxay cagta mariyeen meelihii Al-shabaab gabaadka u ahaa sida maxkamad ay ku lahaayeen tuulooyinka Adiimoole iyo Degwariiri, oo ah inta u dhexeeyso degaanka tooratooroow iyo degmada Qoryooleey sidookale waxay ciidanka burburiyeen meelihii lagacagaha  kaga qaadi jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidookale howlgal kasameeyay Tuulooyinka Daarusalaam iyo Mubaarak halkaasi oo khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Alshabaab.

Intaasi kadib ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad ee kumaandooska Danab ayaa gaaray degaanka tooratooroow halkaasi oo ay ku gaareen howgal qorsheeysan iyagoo gabi ahaanba burburiyay meelihii gabaadka u ahaa waxeeyna nolosha ku qabteen laba sarkaal iyo sideed dagaalyahan katirsan Al-shabaab.

Howlgalka ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaano katiran gobolka shabeelaha hoose waxaa fuliyay ururka 4-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo ururka 83-aad ee guutada 14-ka oktoobar xoogga dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here