Puntland oo Xukuno ku Riday Shabakad Ku Eedaysan Falal Argagixiso

0

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Puntland ayaa Xukuno ku riday dhalinyaro la sheegay in ay ka Tirsan yihiin dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Dhalinyaradda la Xukumay ayaa gaaraya  ix xubnood,waxaana afar kamid ah lagu xukumay dil toogasho ah,halka labadda kale lagu xukumay xabsiyo kala duwan.

Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aaden Muuse ayaa Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale, Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsiya.

Raga la xukumay ayaa lagu eedeeyay in qaraxyo iyo dilal ay ka fuliyeen Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here