Akhriso:-Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War Soo Saaray

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay  Doorashada Lixda kursi ee Golaha Shacabka ee lagu qabtay xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in guddiga uu soo dhaweynayo sida ay ku bilowdeen doorashooyinka ka socda Dowladd Goboleedyadda.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu soo dhaweeynayaa Doorashada Lixda kursi ee Golaha Shacabka oo lagu qabtay xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle”, ayuu yiri afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Amb Ahmed Safiina.

Dhanka kale Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dowlad goboleedyada inay dardargeliyaan qabashada doorashada golaha shacabka maadaama xilliga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada ay ka harsan muddo gaaban.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here