Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa martigalisay 24-kii saac aynu soo dhaafnay dil qorshaysan oo ka dhacay Magaaladda.
Dilalkaan ayaa ka kala dhacay Degmooyinka Deyniile,kaaraan iyo Heliwaa ee Magaaladda Muqdisho.
Ilaa lix ruux ayaa la dilay saacadihii aynu soo dhaafnay kuwaasi oo isugu jirey askar ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ahaa.
Dilalka ayaa intooda badan u dhacay qaab gaadmo ah,waxaana fuliyay dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa warbaahinta ku baahiyay in dilalka ay ka dambeeyeen iyaga,islamarkaana lagu beegsadya askar iyo dad dowladda u shaqeeya.

