Akhriso:-Lix Kursi oo Maanta Lagu Dooranayo Magaaladda Jowhar

0
A delegate votes during the electoral process to choose members of the House of the People in Jowhar, Somalia on December 03, 2016

Magaladda Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle waxaa maanta lagu qabanayaa doorashadda lix kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Jowhar ayaa kala ah HOP005 oo ay ku tartami doonaan Maxamed Cumar Ceeymooy oo horay ugu fadhiyay iyo Maxamed Cumar Cali.

HOP033 waxaa ku tartami doonoYusuf Ibraahim Afrax oo horay ugu fadhiyay kursigaan iyo Maxamed Xusen Sabriye.

HOP088 waxaa ku tartami doona dahabo Suusow Maxamuud oo horay ugu fadhisay iyo Jamiilo Maslax Bulow.

HOP052  waxaa ku tartami doona Farxiyo Maxamuud Dhaqane oo horay ugu fadhisay iyo Faadumo Yuusuf Cumar.

HOP097 waxaa ku tartami doona Khadiija Mohamed Diiriye oo horay ugu fadhisay iyo Hodan Maxamed Xirsi.

HOP098 waxaa ku tartami doona Maxamuud Maxamed Jimcaale (Seeseey) oo horay ugu fadhiyay iyo Ubax Haashim Odowaay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here