Waare:-‘ Ciidamadda La Geeyay Beledweyne Waa Mid Lagu Daandaansanayo Reer Baledweyne”,

0

Madaxwaynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay ciidamo maanta ay dowlada federalka geysey magaalada Beledweyne.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay Ciidamadda maanta laga dajiyay Magaaladda Beledweyne,iyo dhibaatadda ka dhalan karta.

Waxa uu sheegay in Madaxtooyadda Soomaaliya ay wado dandaansi lagu hayo Shacabka Reer Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamadda La Geeyay Beledweyne ay ka hor imaanayaa Heshiisyadii doorashadda ee Golaha Watashiga Qaran.

“Tallaabadani waxa ay tahay mid lagu daandaansanayo shacabka reer Baledweyne oo lagu qasbayo in ay hubka qaataan, islamarkaana ay arrintan tahay dharbaaxo wajiga loga dhaftay tahay rai’sul wasaare Rooble.”ayuu yiri Waare.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here