Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku faahfaahinayo hanaankiisa shaqo gudashada.
Gudoomiyaha Guddiga oo dhawaan la doortay ayaa sheegay inay is kala qeybiyeen oo maamul goboleed kasta seddax xubnood loo diray.
“Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban, wuxuu la socod siinayaa guddiyada heer dowlad goboleed in xubnaha nooga howlgalaya deegaan doorasho kasta ay diyaar u yihiin in ay si buuxda u hubiyaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, musharaxiinta iyo ergada la soo xulay in ay buuxiyeen shuruudaha loo dajiyay si waafaqsan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.


