Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya SEIT ayaa soo saaray Jadwalka doorashada 5 Kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka ee ku asteysan Koonfur Galbeed.
Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga doorashadda koonfur Galbeed Soomaaliya Yuusuf Abduqaadir Maxamed ayaa lagu sheegay in doorashadda kaliyah ay dhacayso,balse ma uusan shaacinin waqtiga ay dhacayso.
5-ta kursi ee dhawaan la dooran doono waxaa ku fadhiyay afartii sano aynu soo dhaafnay.
1- #HOP 188 Aadan Ibraahim Dhaayow
2- #HOP 185 Cali Aadan Xuseen
3- #HOP 175 Axmed Xaaji Maxamed “Taaw”
4- #HOP 159 Xasan Ibraahim Maxamed
5- #HOP 177 Ibraahim Isaaq Yarow.


