Kooxo hubeysnaa ayaa Caawa Magaaladda Muqdisho ku dilay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Macow.
Dilkaan ayaa ka dhacay degmadda wadajir ee Magaaladda Muqdisho.
Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaada cishaha isagoo ku sii jeeday gurigiisa xilligii la dilayay.
Marxuumka ayaa ka mid ah guddoomiyaashii soo maray gobolka Hiiraan.
Ragga dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.

