Al-shabaab Waa Dowladd Dadban oo Hesha 120 milyan oo Dollar.

0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ay yihiin kuwa ugu dhaqliga badan dagaalyahanadda Al-qaacida hoos yimaada.

Jeneraal Stephen Townsend, oo ah  taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM) wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in dagaalayahanadda Xarakadda Al-shabaab ay yihiin kuwa ugu daqliga badan dagaalyahanadda Al-qaacida, islamarkaana ay haystaan dagaalyahano fara badan oo daacad u ah.

“Al-Shabaab waa ciidanka ugu ballaaran, ugu taajiirsan uguna firfircoon ee Al-Qacida ay ku leedahay dunida, waxayna halis ku yihiin Mareykanka iyo shacabka Mareykanka,” ayuu yiri Jeneraal Stephen Townsend.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu rumeysan yahay in halista Al-Shabaab ay sii korortay sideedii illaa 12-kii bilood ee ugu dambeeyey, ayna ugu wacan tahay ciidankii Mareykanka ee ka baxay Soomaaliya iyo cudurka COVID-19.

“Waxaan u maleynayaa in halistaas ay sii kordheyso sababo la xiriira cadaadiskii ka hortagga argagixisanimo oo aan jirin sanadkii tegay, iyo firfircooni la’aanta ciidamada Amisom. Sabab kalena waa COVID-19,” ayuu yiri Townsend.

Dhanka kale Jeneraal Stephen Townsend, oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM), ayaa ka hadlay khilaafka Madaxda Soomaalida, iyo saameynta uu ku yeeshay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, loolanka doorashada iyo shaqada liidata ee dowladda federaalka ay sidoo kale caawisay dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab.

Qiyaas ay sameysay dowladda Mareykanka, oo uu helay wargeyska New York Times bishii October 2021, ayaa muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagaha kale ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here