Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo Maanta La Dooranayo

0

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa maanta magaaladda muqdisho ku dooranaya gudoomiyaha Cusub ee Guddigaas,kadib shaqo ka ceyrintii Gudoomiyihii Hore.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna ku simaha Gudoomiyaha Maxamed ibraahim Barre ayaa sheegay shalay in doorashadda ay dhici doonto maanta oo Taariikhda ay tahay 20-1-2022.

Sharuudaha Musharixiinta gudoomiyaha Guddiga Xaliinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa kala ah.

1-Waa in uu yahay xubin ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafadka Doorashada dadban.

2- Gudoomiye ku xigeenka guddigu hadii uu u tar tamayo jagada banaan ee guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka waa in uu iska casilaa xilka.

  1. Mudada qabashada araajida musharaxnimada ayaa ka bilaabatay 18-01-2022 saacadu marka ay aheyd 9:00 pm waxeyna ku ekeyd 19-01-2022, 9:00 pm.

Sidoo kale nidaamka codka bixinta ayaa noqon doona.

Nidaamka Cod bixinta.

1-Cod bixintu waa Qarsoodi.

2- Waxa lagu codaynayaa sanduuqa codbixinta.

3-Hadii ay tar-tamaan 3 murashax iyo kabadan waxa wareega koowaad lagu kala guulaysanayaa

50+1 ee tirade guud ce gudiga oo ah 21 xubnood.

tusaale murashaxa hela 11 cod iyo kabadan ayaa kuguulaysanaya tartanka.

 

4-Waxa ay doorashadu dhacaysaa maalinta Khamista ee ku beegan 20/1/2022 saacadu marka tahay 11:00am

5- Goobta codbixintu waa teendhada afisyooni.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here