Wasiir Hore oo Shaaciyay Waxa Fashiliyay Wada-hadaladda Somaliya iyo Somaliland

0

Wasiirka Hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya, Cabdi Maxamed Sabriye (Qarafaan) ayaa ka hadlay waxyaabihii sababta u ahaa in ay fashilmaan Wada-hadaladda Somaliland iyo Soomaliya.

Wasiirka oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee BBC-da ayaa sheegay inuu tuhmayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland in horumar laga gaaro inay cusleeyeen siyaasadaha ka jira magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Sidoo kale  waxa uu sheegay in Somaliland ay dalbatay 3-qodob oo kala ah Arrimaha Deeqaha, Maamulka hawadda,iyo amniga in gooni loogu dhigo.

Waxa uu sheegay in Guddigii loo xilsaaray xalinta arrimahaas ay ku adkaatay in ay xaliyaan,islamarkaana guddiga ay qeyb ka ahaayeen Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Ugu danbeyntii wasiir Cabdi Maxamed Sabriye (Qarafaan), ayaa sheegay in xaaladdu dhaafi waysay ka soocista guddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyi, taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here