Soomaaliya iyo Ruushka oo Kawada Hadlay Arrimaha Dhaqaalaha

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ee dowladda Ruushka Mudane Timur Maksimov. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa looga hadlay dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo heerka uu marayo geeddi-socodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay iskaashiga iyo taageerada Dowladda Ruushka ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Dowladda Ruushka ayaa ka mid ah 10-ka dal ee Paris Club la isku yiraahdo oo 9 dal oo ka mid ah sanadkii 2020- heshiiska deyn cafinta la saxiixday dowladda Soomaaliya, balse Ruushka wali Soomaaliya kama cafin lacagta deynta ah ee uu ku leeyahay.

Waxaa heer gabagabo ah maraya wadahadallada hannnaanka cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here