Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa Hawlgal Qorshaysan ka fuliyey deegaanada kala ah Mubaarak, Darasalaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Hawlgalka intii u socday lagu dilay 13 isugu Jira Saraakiil & askar ka Tirsan Shabaab, isaggoo xusay in howlgalka lagu burburiyey, qaarna lagu qabtay Gaadiid isugu jira Baabuur & Motooyin oo Al-shabaab ay adeegsan jireen, waxaana sidoo kale lagu burburiyey Qaraxyo Nabad diidka ay rabeen In ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Ciidanka Amisom iyo kuwa dawladda Mareykanka oo gacan wayn ka Gaystay hawlgalkan, waxaana uu sheegay in Hawlgalkaani uu qeyb ka yahay Halwgalada dalka looga ciribtirayo Alshabaab islamaraakana uu sii Socon doono.




