Kenya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 15 Al-shabaab ahaa

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan lagu dilay xubno ka tirsanaa Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay halka loo yanaano Bodhei oo ka tirsan kaynta Boni.

War kasoo baxay Booliska Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorshaysan,islamarkaana lagu dilay 15-xubnood oo ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay maalmihii u damabeeyey ku raadjoogeen xubnahaasi oo lagu eedeeyey inay geyteen weerar lagu dilay illaa 6 qof oo ka dhacay gobolka Xeebta ee Laamu.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here