Al-shabaab ayaa shaaciyay Magaca iyo qabiilka shaqsigii fuliyay qaraxii todobaadkii hore ka dhacay 21-October Degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir.
Sida lagu daabacay warbaahinta Shabaab qaraxa oo gaari loo adeegsaday ayaa waxaa fuliyay mid kamid ahaa dagaalhayanadda Xarakadda Al-shabaab.
Maxamed Aadan Gureey, magaciisa afgarashaddu ahaa saciid,ayaa fuliyay qaraxa,waxaana qabiilkiisa lagu sheegay Gaal jecel gaar ahaan jufada Dirisame.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 10-ruux oo u badnaa shacab iyo dad cadaan ah oo qaraxa lala beegsaday.

