Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Dubia.

0

Dowladda Soomaaliya Oo si adag u cambaareysay Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u  cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.

“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, Anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda. Falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri mudane Cabdisiciid.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku eedeeysay kooxda Xuutiyiinta Yemen in ay fuliyeen weerar saddex qof ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dubia.

Sargaal lagu magacaabo Anwar Gargash oo u hadlay xukuumadda Imaaraadka ayaa ku tilmaamay weerarka fal aad u fool xun.

Saddex Booyad oo ah oo kuwa shidaalka qaada ah ayaa qarxay, waxaana ku dhintay saddex qof, waxaana dab uu ka kacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Dubia Isniintii,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here