Rooble oo Isbitaalka Ku Booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu

0
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax argagixisadu la beegsadeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda.

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa, ayaa isku qarxiyay xili uu kasoo baxayay gurigiisa oo ku yaala Degmadda Waabari ee Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here