Midowga Yurub ayaa ka walaacsan Xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga uu ka dhaamaday ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Raisulwasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
War kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu ka walaaacsan yahay mustaqbalka howlgallada ka dhanka ah burcadbadeedda ee xeebaha Soomaaliya, halkaasoo Midowga Yurub uu hoggaamiyo howlgalka Atalanta ee ilaalinta badda ee muddada dheer socday.
“Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan qalalaase siyaasadeed iyadoo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, Iyadoo doorashada baarlamaanka lagu wado in lagu soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo, jawiga siyaasadeed ayaa weli ah mid aan la hubin”, ayaa lagu yiri warka.
“Bishii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kaashanaya dowladda Soomaaliya – waxay u codeeyeen in dhammaan howlgallada badda ee caalamiga ah lagu kordhiyo saddex bilood oo dheeri ah, Kuwaas waxaa kamid ah hawlgalka Atalanta, oo sidoo kale loo yaqaan EU NAVFOR Somalia.
Sidoo kale Midoga Yurub ayaa sheegay In si joogto ah hoos ugu dhacayeen weerarrada burcad-badeedda tan iyo 2011, saraakiisha Midowga Yurub waxay rumaysan yihiin in saddexda bilood ee la kordhiyey aanay ku filnayn in la dhiso qorshayaal loogu hortagayo weeraradda Burcad badeeda.
Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan khilaafka Madaxda Soomaalida,iyo hakadka doorashadda Soomaliya.
Waxa uu sheegay in Ururka uu si weyn kaga walaacsan yahay arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
“Bishii April ee sanadkii hore, Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharci muran badan dhaliyay oo labo sano oo kale loogu kordhinayo xilka, talaabadan ayaa keentay in ay isku dhacaan Xafiiskiisa iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dhaliilsan muddo kororsi,loolanka siyaasadeed iyo dowlad la’aanta ayaa keentay in Shabaab awood yeeshaan, waa dagaalyahano saameyn leh oo saldhigyo ka sameystay dalka. Khilaafaadka guduhu waxa kale oo uu qayb ka qaadan karaa ogolaanshaha kooxaha budhcad-badeeda in ay mar kale ka abuurmaan Geeska Afrika, marka la eego qalalaasaha siyaasadeed ee socda, midowga Yurub wuxuu qorsheeyay inuu kordhiyo cadaadiska Soomaaliya si loo helo ugu yaraan sagaal bilood oo kale.
“Haddii qaraarka Qaramada Midoobay uu dhacayo bisha Maarso, markaas Atalanta waxay lumin doontaa saldhigeeda sharci si ay uga shaqeyso xeebaha Soomaaliya. Ka-hortagga burcad-badeedda ka sokow, howlgalku wuxuu ilaalinayaa maraakiibta WFP (Barnaamijka Cunnada Adduunka) ee gargaarka u geysta qaxootiga Soomaaliya.

