Hir-shabeelle oo Soo Saartay Go’aan Culus oo Ku Socda Musharixiinta

0

Wasaaradda Amniga ee dowladd goboleedka HirShabeelle ayaa amar ay soo saartay kaga mamnuucday in Ciidan iyo hub lagala soo dago garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Sugidda amniga Magaalooyinkaas wax laga weydiinayo Wasaaradda Amniga Gudaha Maamulka Hir-shabeelle.

“Si loo dar-dar geliyo doorasho hufan oo ku dhisan wadar-ogol,” waxaan ku war-gelineynaa hey’adaha ay ku socoto warqadaan ee garoomada Jowhar, Muqdisho iyo Beledweyne, in laga bilaabo 15-ka Janaayo la joojiyey in wax hub ah laga soo dejiyo garoomada diyaaradaha ee Jowhar iyo Beledweyne.”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda amniga ee Maamulka Hir-shabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here