Guddiga Hirgalinta Maamulka Doorashada ee Dowladda Hirshabeelle (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo Galaha Shacabka ah, kuwaas oo dhawaan doorashadooda la qaban doono.
Kuraasta lagu dhawaaqay in doorashadooda la qaban doono waxaa ku fadhiya xubno mucaarad u badan.
Dhanka kale Labada Kursi ee dib looga dhigay ee Hirshabelle ayaa kala ah 141 oo uu ku fadhiyo Xildhibaane Ducaale iyo Kursiga tirsigiisu yahay Hop146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur.


