Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgalo ka dhan ah argagixisada Alshabaab ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka lambar-konton ee gobolka shabeelaha hoose.
Deegaanada ay howlgalka ka sameeyeen ciidanka xoogga ayaa kala ah Muuri. Idimow iyo Fidda Muuse oo kamid ah deegaanada dhaca dhinaca deexda oo ay ku dhuumaaleystaan maleeshiyadka argagixisada shabaab.





