Isimada Gobolka Bari oo go’aamiyay in Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo hay’adda PSF islamarkaana la heshiisiiyo isaga iyo Madaxweyne Siciid Deni.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in xalka uu ku jiro in la heshiisiiyo Madaxweyne Deni iyo Maxamuud Cusmaan Diyaano,islamarkaana Maamulka Hay’adda loo daayo Maxamuud.
Isimada oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale ku baaqay in Xukuumadda Puntland ka laabato Heshiiskii Dekedda Magaaladda Boosaaso ee DP World ee imaaraadka laga leeyahay.
Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka.



