Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Sarkaal  sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaliya.

Sarkaalka  oo lagu magacaabo Aadan Guurow Isaaq oo muddo toddobo sanno ah ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Baraawe.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo ah taliyaha ururka 25-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Aadan uu kala soo cararay naftiisa Shabaab.

Ciidanka Xoogga ayaa beryahan waday dabar-goynta Shabaab ah iyagoo maalmihii la soo dhaafay ay korodhay tirada Shabaab isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ka dib markii Ciidanka Xooggu burburiyeen dhufaysyadii iyo goobihii ay ku dhuuman jireen shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here