MW Qoor-qoor oo Ka Hadlay Saraakiishii Shabaab Dagaalka ku Dileen

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mudane Dr. Maxamed Nur Cagal ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdishu ku booqday Xildhibaan Xasan Xirsi Faafaale oo halkaas lagu dabiibayo.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanka u rajeeyay caafimaad taam ah asagoona xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Allaha u naxariistee Taliyihii guutada 13aad G/dhexe Cali cagaweyne iyo taliyihii howlgalinta qeybta 21aad Gle/sare Cabdiqaadir Cartan Gasaawe oo ku shahiiday howlgal ka dhan ahaa kooxaha argagaxisada, loogana guuleystay deeganadii ay kusoo duuleen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here