Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo La Kulmay Wakiilka Gaarka ee Norway

0
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.
Labadda Mas’uul ayaa kawada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya Labada Dal.
Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka, isaga oo Wasiir Cabdisaciid uga mahad celiyey Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here