Al-shabaab oo Sheegay in Qarax ay Ku Dileen 15-askari

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geystay oo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya lagula eegtay Deegaanka Ceel-dheere ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay laamiga ee u dhexeeya magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud,waxaana lala eegtay Ciidamadda Dowladdda Soomaliya gaar ahan kuwa Mareykanka uu Tababara ee Danab loo yaqaano.

Qaraxa oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari ay la socdeen Ciidamadda Dowladda.waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho u xaqiijiyay in qaraxa si weyn loogu maqlay deegaanka,islamarkaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamdda Dowldada Soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khasaaraha qaraxa uu gaarayo 15-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Ciidamadda Dowladdda Soomaliya gaar ahan kuwa Mareykanka uu Tababara ee Danab loo yaqaano.

Al-shabaab oo sheegtay qaraxa ayaa sheegay in qaraxa dhimasho iyo dhaawac ugu geysteen 15 askari,islamarkaana lagu burburiyay gaari ay la socdeen Ciidamadda Dowladda.

“Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 15 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqotay qaraxa ka dhacay wadada u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Ceeldheere ayaa bishii lasoo dhaafay martigelisay qaraxyo xoogan oo lala eegtay Ciidamadda DFS, gaar ahaan kuwo uu tababaro Mareykanka ee loo yaqaano DANAB, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii labaad oo lala eegto Ciidamadda todobaadyo gudahood”, ayaa lagu yiri warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab.

Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladdda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay Deegaanka Ceel-dheere,sheegashadda Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here