Dowladda iyo Al-Shabaab oo Ka Hadlay Dagaalka Baxdo Ka Dhacay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab oo ka dhacay Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Deegaanka,waxayna iska caaabin ay kala kulmeen Maleeshiyaad deegaanka ku sugnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka uu haatan joogsaday islamarkaana uu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamay.

Dhanka kale Al-shabaab iyo Dowladda ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay dagaalka ka dhacay Deegaanka Baxdo.

Warbaahinta Dowladda ayaa lagu baahiyay in dagaalka ka dhacay Baxdo lagu jabiyay Shabaab,islamarkaana loogu dilay tiro ciidankooda.

Dhanka kale War kasoo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab oo laga baahiyey warbaahintooda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano aad u hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen saldhigyada iyo xarumaha Ciidamadda Galmudug ee deegaanka Baxdo, islamarkaana uu dagaal xoogan ka dhacay halkaasi.

“Allaah fadligii ciidamada Shabaab wey la wareegeen deegaanka, howlgalo iyo baaritaano muddo saacado ah qaatay ayeyna sameeyeen, kadibna -sidaba ujeedku ahaa- dib ayey ugu soo laabteen saldhigyadii ay ka duullaan katageen” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska ciidanka oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka ciidanka Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here