warar dheeraad ah ayaa kasoo0 baxaya weerar khasaare kala duwan geeystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Kenya.
weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid culus oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka laamuu.
War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan ay mas’uul ka ahaayeen weerar xalay ka dhacay deegaanka Windho ee gobolka Lamu halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 6 qof Kenyaan ah.
Al-Shabaab wararka ay ku baahiyaan barahooda dhinaca intarneetka ayaa waxa ay ku sheegteen in Weerar qorsheysan ay ka fuliyeen tuulada Windho oo 28KM u jirta deegaanka Mpeketoni ee gobalka Lamu waxayna halkaas ku dileen ciidamao farabadan oo kenyaati ah oo uu ku jiray guddoomiyihii dowladda kenya ugu macownaa tuuladaasi.
alshabaab ayaa intaas ku daraya in xoogaga weerarka qaaday ay dab qabadsiiyeen guriga guddoomiyaha deegaanka Windho, Waxaana ay sheegeen in halkaas uu ka dhacay iska horimaad xoogan oo ciidamada kenya iyo xubno ka tirsan ku dhexmaray halkaasi.
waxaan ay shabaabku sheegeen in dagaalka iska horimaadka ah ay ku gubeen Gaari Kooyal ah, laba mooto dhug dhugleey iyo keydkii raashinka ciidanka booliska Kenya.
wali majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda kenya oo looga hadalayo dagaalkaani iyo sheegasha alshabaab ee dilka askarta iyo guddoomiyaha.

