Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe Ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab Ay Saaka La wareegeen Gacan ku heynta Degmada Balcad,Kadib dagaal culus oo saaka aroortii hore ka dhacay degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay Oo haatan naga soo gaaraya ayaa sheegaya in alshabaab ay saacado kooban gacanta kuhayeen kadibna ay iskaga bexeen.
Khasaaro kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkaan kaasi oo wali aan si rasmi ah loo tira koobin.
Alshabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka waxa ay ku sheegtee in Ciidamada dowladda Federaalka ay dagaal uga saareen degmada Balcad oo qiyaastii 30Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka hirshabeele iyo kan Degmada Balcad Oo Looga Hadlayo Dagaalkaan iyo sheegasha alshabaab Ee La wareegida Degmada Balcad.
Dagaalkaan Al-Shabaab ay kula wareegeen Balcad ayaa waxa uu kusoo aadaya xili dhowr todobaad kohor alshabaab ay sidaan oo kale ula wareegeen Gacan ku heynta Degmada Matabaan oo kamid ah Degmooyinka iyo Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Hirshabeele.

