Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sidoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ku soo bandhigay lix dhalinyaro ah oo ka soo goosatay Al-Shabaab.
1 – Nuur Xasan Aadan Yarow (Butug)
2 – Shama’arke Cabdulqaadir Yarow
3 – Xasan Maxamed Suubow
4 – Xasan Ibraahim (Gaaba-kuusow)
5 – Cabdullaahi Ibraahim Gurey
6 – Iyo Cabdirisaaq Ibraahim Isaaq Tooxow oo kooxdaan hoggaaminayey ayaa dhamaantood ka soo goostay Al-Shabaab, iskuna soo dhiibay NISA.
Wareysiyo lala yeeshay ragaan ayey ku sharaxeen waxyaabihii ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab iyo sababta ku kaliftay inay kasoo goostaan oo isku dhiibay ciidanka Qaranka.
Ciidamada NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmahaan howlagllo ka waday magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga ayaa dhawaan gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqeyneysay qaraxyada iyo qal-qal gelinta amniga Koonfur Galbeed.





