Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu cadaynayaa in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan.
Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteed.
“Doorashada waxay u bahan tahay in la saxo habraaceeda, sida guddiyada xulista ergada iyo in door muhiim ah la siiyo qabaa’ilka, mase u baahna in laga qaado xornimada guddiyada ka shaqeeya” ayuu yiri Maxamed Xasan Cirro oo ah gudoomiyaha guddiga doorashada ee heer Federaal.
Guddigu wuxuu sidoo kale ka xun yahay caqabadaha joogtada ah ee lagu hayo guddiyada, kuwaasoo la kulma caga juglay iyo in si khasab ah qaarkooda looga saaray hoygii ay deganaayeen, tanoo ku ah sharaf dhac doorashada iyo dadka ka shaqeeya.
Ugu danbayn, in doorashada la dedjiyo, lana saxo cabashooyinka, iyadoo la dhowrayo madaxbanaanida guddiyada waa sida keliya ee ay wax ku hagaagayaan, doorashaduna ku qabsoomayso.
-Dhammaad-

