Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Guddiga doorashada Heer Federaal iyo Guddiga xalinta khilaafaadka inay si degdeg ah hoggaan u doortaan, sidoo kale waxaa uu ku booriyay inay guddiyada ka foggaadaan siyaasadda.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay garab kamid ah Guddiga doorashooyinka.
Xubno ka tirsan Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa maanta xilka ka qaaday Guddoomiyihii guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay inuu caqabad ku ahaa doorashada.


