Maxkamada Gobolka Gedo Oo Maanta Fulisay Xukun Dil Ah

0

Maxkamada Darajada  Kowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta Xukun Dil ah Oo Horay Loogu Riday Ku Fulisay dable Nisa Maxamed Cali Xuseen oo bishii aynu soo dhaafney  Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro

Marxuunka Maanta la Toogtay ayaa waxaa Todobaad ka Hor Maxkamaddu ay shaacisay in Lagu helay in uu si bareer ah Rasaas ugu furay laba wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku sugnaa Garoon kubadda Cagta lagu ciyaaro oo kuyaal gudaha Degmada Balad Xaawo Gobolka Gedo

Maanta ayayna maxakamada Ciidamada Qalabka Sida qeyb 27 aad ay si Rasmi ah u fulisay xukunkaan oo ah qisaasta labadii wiil ee la dilay

Marxuunka ayaa shewgay in labada wiil uu naftiisa uga baqay islamarkaasna uu ka shakiyay sidaasna uu ku toogtay

Xukunkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Gobolada dalka ay muddoyinkii dambe ku badanayeen dilaal Ciidamada Dowladda ay ugeeysanayaan dadka shacabka ah

Waxaana saraakiisha Ciidamadda Dowladdu ay Wacad ku mareen in tiirka ay geeynayaan Askari kasta oo dil ugeysta qof Shacab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here