Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta Xukun Dil ah Oo Horay Loogu Riday Ku Fulisay dable Nisa Maxamed Cali Xuseen oo bishii aynu soo dhaafney Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro
Marxuunka Maanta la Toogtay ayaa waxaa Todobaad ka Hor Maxkamaddu ay shaacisay in Lagu helay in uu si bareer ah Rasaas ugu furay laba wiil oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku sugnaa Garoon kubadda Cagta lagu ciyaaro oo kuyaal gudaha Degmada Balad Xaawo Gobolka Gedo
Maanta ayayna maxakamada Ciidamada Qalabka Sida qeyb 27 aad ay si Rasmi ah u fulisay xukunkaan oo ah qisaasta labadii wiil ee la dilay
Marxuunka ayaa shewgay in labada wiil uu naftiisa uga baqay islamarkaasna uu ka shakiyay sidaasna uu ku toogtay
Xukunkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Gobolada dalka ay muddoyinkii dambe ku badanayeen dilaal Ciidamada Dowladda ay ugeeysanayaan dadka shacabka ah
Waxaana saraakiisha Ciidamadda Dowladdu ay Wacad ku mareen in tiirka ay geeynayaan Askari kasta oo dil ugeysta qof Shacab ah.

