Puntland oo Ku Dhawaaqday Xabad Joojin iyo Wada-hadal

0

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in Xabad joojin iyo wada-hadal lagu dhameeyo Arinta Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal.

Wasiir Gallan ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay xabbad-joojin iyo wada-hadal si loo dhammeeyo xiisadda dagaal ee ka aloosan Boosaaso.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in Puntland ay xiriir la soo sameeyeen dad kala duwan oo Isimo iyo culimo ku jirto islamarkaana ka codsadeen in xabbada la joojiyo oo wada-hadal lagu xalliyo is-marin-waaga taagan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here